
Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 16-ka July, waxaan booqannay markab lagu magacaabo MV. Doctor O oo ku xidhan dekeda Berbera. Kabtanka markabka Kabtan Ali iyo shaqaalihiisa ayaa ardayda ku soo dhaweeyay Bridge ka markabka. waxay u sharxeen ardayda qalabka laga yaala qolka markabka laga wado, sida Gyro Compass, Magnetic Compass, GPS , ECDIS (Electronic Chart Display and Information System), Echo Sounder, AIS (Automatic Identification System), Voyage Data Recorder (VDR), GMDSS (Global Maritime Distress and Safety System).
Waxay si fiican u sharaxeen shaqada qalab kasta, muhiimadiisa iyo faa’iidooyinka.
Ardaydu waxa ay waydiiyeen kabtanka su’aalo la xidhiidha qalabka kor ku xusan,waxana uu si wanagsan uga jawaabay dhamaan su’aalihii ay ardaydu waydiiyeen.
Today, Wednesday, July 16, students visited a ship named MV. Doctor O which is berthed in the Berbera port. The captain of the ship Capt. Ali and his crew welcomed the students to the bridge of the ship. They explained the equipment found on the bridge, like the gyro compass, magnetic compass, GPS (global positioning system), ECDIS (electronic chart display and information system), echo sounder, AIS (automatic identification system), VDR (voyage data recorder), and GMDSS (global maritime distress and safety system). They gave a detailed explanation of the function of each piece of equipment, its importance, and benefits. The students asked the captain about the above equipment, and he capably answered all their questions.



